xigto
(m.dh)ld xigaal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xigto ↴
abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.
abboowe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.
casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
ehel [m.l]
Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.
jifo [m.dh]
1. Xoolo horumaris ahaan loo siiyo cid wax laga dilay ama laga dhaawacay. 2. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka; Jinfo. 3. Birgoobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo. 4. Xigto. 4. ld jufo.
qareen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda.
qareenso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid xigto ka dhigasho.
rakcad [m.dh] (-do, m.l)
(dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. ld ragcad, rakacad.
sokeeye [m.l]
Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
xigaal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Qaraabo. ld xigaalo, xigto.
xig [m.l]
Xaskul.
xig [m.dh]
1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca.
xig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax, wax kale u dhowaansho. 2. Xiriir qaraabanimo yeelasho.