Site icon Qaamuus

jawaabta

xiiq
(m.dh)

1. Neef xoog leh oo nafleyda qabata kolka in badan la ordo; xuurto. 2. Xiiqdheer; kix.

xiiq
(m.dh)

(daaw.) Xaalad bukaansho oo lagu yaqaan iskuroorid kedis ah ee dhuumaha neefta taaso keenta dhibaato neefsasho.

xiiq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Xiiq qabsasho; xuurtoodid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiiq

haftee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-eeyay, -eysay)
Nafley aad u cayrin si ay u xiiqdo.

haftibbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Nafley heer aanay xiiqayn gaarid, markay muddo orodday kaddib. ld haftabbax².

hanqaare [m.l]
1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.

hiiqley [m.dh]
ld xiiqley.

iskuroor dhuun neefeed [m.l]
(daaw.) Iskuroorka muruqyada dhuumaha neefta ee xiiqda (neefta) iyo dhuun neef holaca (bronkiitada).

kabti [m.l]
1. Orod xoog loo ordo ilaa laga xiiqo; fagax. 2. Fogaan qof ku xiiqo.

kabti [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Ilaa laga xiiqo xoog u ordid.

kacdin [m.l]
1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. ld kacdimid.

kix [m.dh]
Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. ld jix, qix.

neef-qabatin [m.l] (-faf ..., m.l)
(daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version