xijaab
(m.l) (-byo, m.dh)1. Wax wax celiya ama isku gudba ama qariya; daah; ilixir. 2. Qardhaas; xirsi; makaraan.
xijaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Wax qarin. 2. Wax dhibaato ka celin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xijaab ↴
dermad [m.dh]
Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.
gantoob [m.l]
1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. ld gandoob.
xijaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la xijaabay ahaansho.
xijaabasho [m.f.dh]
eeg xijaabo.
xijaabid [m.f.dh]
eeg xiijaab².
xijaabnaan [m.f.dh]
eeg xijaaban. ld xijaabnaan-sho.
xijaabnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xijaabnaan.
xijaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho.