Site icon Qaamuus

jawaabta

xiniin
(m.l)

Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh.

xiniin
(m.dh) (-nyo, m.l)

Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.

xiniin
(m.dh) (-nyo, m.l)

(c.nafl.) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiniin

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

raay [m.dh] (-yo, m.l)
1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.

raayo [m.dh]
1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.

dhayladhufaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.

dhayladhufaano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-naday, -natay)
Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho.

dhufaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. (-nno, m.dh) Dh. ah: neef xoolo ah la xiniinya baxshay. 2. ld dhufaanid.

dhufaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Neef xoolo ah xiniinya bixin.

isbeermatosuw [m.l] (-wyo, m.dh)
(baay.) Unug taranka dhammayska ah ee socda ee xayawaanka lab, kaas oo soo saaraan xiniinyuhu. Wuxuu ka koobanyahay qayb madaxa oo leh bu'dhiman iyo akrasoom, kaas oo u oggolaada xawada inay gasho, ukunta markay bacrimintu dhacayso, qayb dhexe oo leh mitokondoriya siisa tamarta dhaqdhaqaaqa iyo qayb dabo ah oo u samaysan qaab hore u socodsiiya xawada.

moolo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xubnaha taranka ee ragga; xiniinyo.

nuud [m.l]
(c.nafl.) Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version