xirmo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Dhawr wax oo isku nooc ah oo isku xiran. 2. Dhul daaqsi-meed muddo go'an laga xayiro daaqidda xoolaha si loogu aayo goor dambe.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xirmo ↴
wadayaal [m.dh]
1. Xiddo. 2. Xirmo furayaal ah.
awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.
cuddad [m.dh] (-do, m.l)
1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah.
dhisaal [m.l]
Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan.
duub [m.l] (-bab, m.l)
1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.
istaafilokookaas [m.l] (-syo, m.dh)
(baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
majin [m.dh] (-jamo/-jo/-anjo, m.l)
1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin.
marduuf [m.l] (-fyo, m.l/dh)
1. Maro cad, culus oo loo isticmaalo shiraaca doonayaha. 2. Xirmo qaad ah oo ka kooban toban majood. 3. Xarig labaraab ah.
taharowga halbowlayaasha [m.l]
(daaw.) Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.
xay [m.l]
1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.
xir [m.l] (-rar, m.l)
Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.
xir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.