xoodan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dmay, -dantay; -dmi)Wax la xooday noqosho.
xoodan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)Wax la xooday ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoodan ↴
baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.
bed [m.l] (-dad, m.l)
(xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
bikaaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
feedh [m.dh] (-dho, m.l)
(daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.
gacan xoodnaan [m.dh] (-cmo ..., m.l)
Gacanka goobada ee xoodan halka bar ee xodka.
haydh [m.l] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.
qarandi [m.dh] (-iyo, m.l)
Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.
xarriiq [m.dh] (-qo, m.l)
(xis.) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dha-xaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan.
xeerka noqodka [m.l]
1. (fiis.) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiis.) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.
xood [m.l] (-dyo, m.l)
1. Ul yar; dhenged. 2. Xoodamis; salaax.
xood [m.dh]
1. Xoodamis; salaax. 2. Hab ceelasha qaarkood loo shubo.
xood [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Xarig iwm oo dabacsan togid.