Site icon Qaamuus

jawaabta

xooji
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Wax xoog leh ka dhigid. 2. (f.mg) U x.: cid u shaqayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xooji

kaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax xoojin.

ugub [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Dhul dihin oo aan weli laga xoojin; cusayb. 2. Naflay dheddig oo aan weli curan.

yeelaal [m.l]
1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.

askoorbik-asiidh [m.l]
(kiim.) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.

baraq [m.l]
Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.

birmad [m.l]
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.

laballaab [m.l]
1. L. ah: tiro lagu daray tiro la eg. 2. Wax lagu xoojiyay wax la mid ah. ld laballaabid, labanlaab¹.

laballaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Tiro, tiro la eg ku darid. 2. Wax, wax la mid ah ku xoojin. ld labanlaab².

lammaani [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.

maggarafoon [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. ld maggaroofan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version