xoon
(m.l)1. Laxle. 2. Koox.
xoon
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)(c.nafl.) Sooloji ahaan, koox xaya-waanka ka mid ah oo iskusinji ah oo meel ku wada nool, noloshooduna iskuxidhantahay. Qaarkood sida shacaabiga iyo isboonjiga waxay iskaga dhegsanyihiin dusha, una shaqeeyaan sidii xayawaan keliya. Kuwu kalena, sida xoon cayayaanka dusha iskagama dhegsana, waxaanay leeyihiin urur-ro bulsho oo heer sare ah oo xubnahoodu shaqooyin kala duwan qabtaan.
xoon
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oomay, -oontay; -oomi)Wadajir, wax ama meel isugu soo ururid, isu soo tuurid; shamuumid; heemasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoon ↴
duud [m.dh]
1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.
lax [m.dh] (-xo, m.l)
1. Neef ido ah oo curtay. 2. Meesha xoonku ku hoydo oo ilmaha gashado.
laxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
qurxoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld quruxsan.
qurxoonaan [m.dh]
ld quruxsanaan.
qurxoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld quruxsanaan.
shamuumsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Nafley meel ku xoonsan ahaansho.
tiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
Dadaal iyo xoon aan jirin iska doonid, iska raadin.