yaxyax
(m.l)1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.
yaxyax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)Qof ceeb weyn dareemid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaxyax ↴
yaxyaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
yaxyaxid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).
yaxyaxin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaxyaxi.
qosolgariir [m.l]
Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
qosolgariir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid.
wejiggabax [m.l]
Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.
xilyaxyax [m.l]
Ceeb weyn; bayuur.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg