Site icon Qaamuus

jawaabta

Alle
(m.l)

(dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Alle

baahillaawe [m.l]
Qofka aan cidna u baahnayn; Alle. alle

faalle [m.l]
ld faallo. faallo

faallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Faallo wax ka bixin.

gaalleef [m.dh] (-ffo, m.)
1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.

haakaalle [Erey Dareen | Exclamation]
ld haaka. haaka

jaalle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.

jaallenimo [m.dh]
Jaalle ahaansho.

naallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.

naalleyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naallee. ld naallood.

Rabbi [m.l]
Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version