ambaqaad
(m.l)Billowga arrin ama dood taagan; meel ka qaadid, ka bilaabid. ld ambaqaadid.
ambaqaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Ka a.: arrin ama dood taagneyd meel bilaabid; ka wadid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ambaqaad ↴
ambaqaadid [m.f.dh]
eeg ambaqaad². ld ambaqaad¹.
ammin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.
samayn [m.dh]
(kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg