Site icon Qaamuus

jawaabta

baabbi'in
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg baabbi'i. ld baabbi'is. baabbi'i, baabbi'is

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baabbi'in

baabbi'in [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baabbi'i. ld baabbi'is. baabbi'i, baabbi'is

baabbi'is [m.l]
ld baabbi'in. baabbi'in

baaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.

buri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri.

dabargoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
Wax jiritaankooda baabbi'in.

daguug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Ceel, god iwm aasid. 2. Wax baabbi'in.

dakanaduug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Godob dad u dhexaysay baabbi'in.

diinta Budhiismaha [m.dh]
(dii.) Diinta ay dadka qaarkood aaminsanyihiin inay ku barayso sida aad isaga baabbi'in lahayd murugta, waxaana lagaga dhaqmaa Aasiyada bari, iyo Aasiyada dhexe.

baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version