Site icon Qaamuus

jawaabta

baadi
(m.dh)

1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baadi

yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.

yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.

baadibixiye [m.l]
Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.

baadibooliye [m.l]
Qof baadida xalaaleysta.

baadicarar [m.l]
Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.

baadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baad². baad

baadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baad². baad

baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid

baadiddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob². baadiggoob

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version