baan
(m.l) (-nan, m.l)Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
baan
(m.dh)Cunno nafaqo leh oo lagu dheefiyo qof buka ama dhaawac ah.
baan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nay, -ntay)Hadal dhaar, faan iyo handadaad isugu jira dhihid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baan ↴
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay
ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan
og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo
leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog
wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo
ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta
wax guntooda la ogyahay. ogaan
eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
sabaan [m.l] (-nno, m.dh)
Waqti; waa; jeer. ld samaan¹.
tacbaan [m.l]
ld tabcaan.
ugbaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugub². ld ugbaansho.
ugbaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ugbaan.
xafaare [m.l]
Diifta iyo tabardarrada bugtadu reebto oo baanta u baahan.
abaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Samo cid loo galo. Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.