buur
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-rar/-ro, m.l)1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.
buur
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).
Subuurada furaha*
- Keyboard
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh buur ↴
maab [m.l] (-bab, m.l)
Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada. khariiddada
baabuur [m.l] (-rro, m.dh)
Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
baabuurraac [m.l]
Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
gaaddabbuur [m.l]
1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.
gaaddabbuur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U g.: guulguul samayn (cid).
gaaddabbuurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaaddabbuur². gaaddabbuur
gaadeeryo [m.dh]
1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban
laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.