Site icon Qaamuus

jawaabta

daab
(m.l) (-bab, m.l)

Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab
(m.dh)

1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog². doog

daab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daab

aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.

daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid

daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.

daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid

daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.

daabacnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabacan. ld daabacnaansho. daabacnaansho

daabacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld daabacnaan. daabacnaan

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version