Site icon Qaamuus

jawaabta

eerg
(m.l) (-gag, m.l)

(fiis.) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eerg

beergooye [m.l]
ld beergooyo.

beergooyo [m.dh]
Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld beerfuur, beergooye.

beergoys [m.l]
Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).

indheergarad [m.l] (-do, m.dh)
1. Qof caqli badan leh. 2. Qof cilmi meel sare ka gaaray.

indheergaradnimo [m.dh]
indheergarad ahaansho.

indheergarasho [m.dh]
Awood aad ku fahmi kartid fikrad ama ra'yi ama akhbaar.

reerguuraa [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.

reerguuraa [m.l]
Dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.

reerguuraraac [m.l]
ld guuraraac.

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version