Site icon Qaamuus

jawaabta

gaardi
(m.l)

Socod habeysan oo tallaabada la isla helayo oo ciidammada u gaar ah.

gaardi
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

Socod habeysan oo tallabada la isla helayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaardi

baan [m.l] (-nan, m.l)
Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.

gaardin [m.dh]
ld gaardiyid.

gaardis [m.l]
ld gaardiyid.

gaardisii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid gaardi ku socodsiin.

gaardisiin [m.f.dh]
eeg gaardisii.

gaardiyid [m.f.dh]
eeg gaardi². ld gaardin, gaardis.

gaar [m.l]
1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro. 3. Urun.

gaar [m.l]
1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah. 4. Dhaawac callirsan.

gaar [m.l]
(nax.) Magac guud iyo magac g.

gaar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iwm dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version