Site icon Qaamuus

jawaabta

guud
(m.l)

1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iwm surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guud

aadami [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi. aadane, aadmi

aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

aaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.

kaalin [m.dh]
1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.

laac [m.l]
Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.

naarsimo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

xafiis [m.l] (-syo, m.dh)
Qol ama ka badan oo lagu maamulo hawlo guud ama gaar.

yarayn [m.dh]
(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version