istaagid
(m.f.dh)eeg istaag². ld istaag¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh istaagid ↴
yoolaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Si macno la'aan ah meel u istaagid.
buturi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Is b.: qof caro iyo isla weynaan awgeed gaar u istaagid.
cirbadhiibsi [m.l]
Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.
cirbadhiibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.
cirbataag [m.l]
Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbataagid.
cirbataag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.
cirbataagso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.
dabaggal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-galay, -ashay; -geli)
1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn.
gawdiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Jirro, dhibaato iwm awgeed meel la istaagid. ld gawriir.
horjoogso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid wax ka hor istaagid.
istaag [m.l]
Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid.
istaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho.