iyo
(Xiriiriye | Conjunction)Eray lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tus. “Hilib iyo bariis”, “Inuu yimid iyo in kale soo hubso”.
Yuug iyo Yamayuug*
Labada qoom ee musuqmaasuqa iyo fasahaadka badan oo quraanka lagu tilmaamay iney soo bixi doonaan intaan maalinka qiyaamo la gaarin. (af-carabi: Juuj wa ma'juuj)
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Shaacis, Shaaciyoow, Shaaciye, faafin, Faafis*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iyo ↴
aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin
ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh
marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u
habin.
aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro
oo cid lagula muujiyo.
aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay.
2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar
ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan.
2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid
gaarsiiya; baabba'. baabba
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka
soomalida.
i [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaa-
maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga
hadlaayo.