Site icon Qaamuus

jawaabta

jaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

1. Wax jab gaarey ahaansho. 2. Wax qiimahoodu hoos u dhacay ahaansho (badeeco).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaban

aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.

jabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaban. ld jabnaansho.

ganacjaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax raqiis ah ahaansh.

lafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof wax lafaha madaxu jabanyihiin noqosho.

maskabjaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
ld maskarjaban.

maskarjaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Qof maskarjab ku dhacay ahaansho. ld maskabjaban, maskabjabsan, maskarjabsan.

muraaddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. ld munaaddee.

qaddarjaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
ld maskarjaban.

qoorjabane [m.l]
Ilmo aan dhammays ahayn oo hal siddeed ama sagaalbilood ku soo tuurto; afku-xuuble.

jab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.

jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version