kaah
(m.l)Iftiin yar oo wixii sababay sida dab, qorrax iwm ayan muuqan.
kaah
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-hay, -hday)If muuqasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaah ↴
naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo
ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo;
magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus.
“Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa
kaaha-altaratyolet [m.l] (-tyo, m.dh)
(fiis.) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
kaahfalid [m.dh]
(fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
kaahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Kaah wax ka keenid.
kaahid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg kaah².
kaahin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof waxa soo socda ka warrama.
kaahin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg kaahi.
kaahin-birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.