Site icon Qaamuus

jawaabta

kaalmayn
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg kaalmee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaalmayn

saacid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Cid u kaalmayn.

taageer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.

taaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Rati raran oo taagan wax saarasho. 2. Qof kaalmayn.

tabantaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid u gargaarid; kaalmayn.

tabarruc [m.l]
Ururin lacag iwm oo cid lagu kaalmaynayo.

cadgoo [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.

lamaddegaan [m.l] (-nno, m.dh)
(juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version