Site icon Qaamuus

jawaabta

naafo
(m.dh)

Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin.

naafo
(m.dh)

Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.

naafo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ftay, -fatay)

ld naafow².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naafo

naaf [m.l] (-fo, m.l)
1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.

naafasho [m.dh]
ld naafoobid. naafoobid

naafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.

naafeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax naafo noqday ahaansho (nafley).

naafoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naafow². ld naafasho, naafow¹.

naafow [m.l]
Noqoshada nafley ay naafo noqoto. ld naafoobid.

naafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Naafo noqosho. ld naafo³.

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version