Site icon Qaamuus

jawaabta

ogaan
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

1. ld ogaal, ogaansho. eeg og. 2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas buu u yeelay. ogaal, ogaansho, ulakac, kas, maag

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogaan

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

ogaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg ogow. ld ogaan. ogow, ogaan

ufuq [m.l] (-qyo, m.dh)
(juqr.) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.

aydiyaalism [m.l]
(fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.

barashada baali-nololeed [m.dh]
(taar.) Cilmiga ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada lafihii hore.

borobogaanda [m.dh]
(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.

buuro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.

falnaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.

fasaaxad [m.dh]
Hadal kari ogaan; codkarnimo. ld fasaaxo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version