Site icon Qaamuus

jawaabta

ogsijiin
(m.l)

ld ogsajiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ogsijiin

ogsajiin [m.dh]
1. Curiye kiimikaad oo neef ah, midab dhadhan iyo urna lahayn oo ku jira hawada iyo biyaha muhimna u ah noolaha. 2. Curiyeyaasha biyuhu ka samaysmaan mid ka mid ah. ld ogsijiin, oksijiin.

oksijiin [m.l]
ld ogsijiin.

yarayn [m.dh]
(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.

culays-isudhigan [m.l]
(kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.

dhegyar [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta wadnaha oo ku soo shubma dhiigga ogsijiinka leh ee ka immaanaya wadnaha inta aan loo gudbin jirka intiisa kale.

gubasho [m.dh]
(kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.

kaarboon hal-ogsaydh [m.l]
(kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.

kaarboon laba-ogsaydh [m.l]
(kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03% mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

qaraaxad [m.dh]
1. Qalab bir, caag iwm ka samaysan oo inta ogsijiin, gaas iwm lagu shubo sigaarka lagu shito, walaacad. 2. Weynaanta cod. 3. Xajmiga iyo weynaanta qof leeyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version