saafir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Meel safar u aadid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saafir ↴
saafirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saafir.
masaafir [m.l] (-rro/-riin, m.dh)
Qof safar ah. ld masaafur¹, musaafur¹.
masaafir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof meel joogay ka dhoofid. ld masaafur², musaafur².
masaafiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dalkiisa ama degaankiisa khasab kaga dhoofin (qof). ld masaafuri, musaafiri.
masaafirid [m.f.dh]
eeg masaafir². ld masaafurid, musaafurid.
masaafirin [m.f.dh]
eeg masaafiri. ld masaafiris, masaafurin, masaafuris, musaafurin.
masaafiris [m.l]
ld masaafirin.
masaafirsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof dalkiisa laga masaafiriyey ahaansho. ld masaafursan, musaafursan.
masaafirsanaan [m.f.dh]
eeg masaafirsan. ld masaafirsanaansho, masaafursanaan, masaafursanaans.
saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.
saaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Hilib jiir ah balballaarin.