Site icon Qaamuus

jawaabta

saamays
(m.l)

ld saamayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saamays

saamayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saamee. ld saamays.

cimilo-badeed [m.l]
(juqr.) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.

dibuquudsi [m.l]
Isticmalka iyo ka faa'iideysiga qayb ka mid ah maxsuulka qalab amar-dooriye ah si caynaanka loogu hayo kartida waxqabadkiisa. Waxa ay saamaysaa jabaq-kordhiyeyaalka.

gudbitaan-danabeed [m.l]
(fiis.) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.

harmataan [m.l]
(juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.

khalkhal-birlabeed [m.l]
(c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.

mahadho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhacdo saamays weyn leh oo aan la illaawi karin. 2. Sheeko.

sixir [m.l]
Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal.

xodxodo [m.dh]
Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version