Site icon Qaamuus

jawaabta

ugax
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective) (-gxaan, m.dh)

1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.

ugax
(m.dh)

(ugxanno, m.dh) (baay.) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ugax

yaaqil [m.l]
Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

ugxaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg ugax¹.

dhalmaddeyn [m.dh]
(c.nafl.) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.

geesaas [m.l]
1. Baroorta naagaha. 2. Baroor- diiq aan dhab ahayn. 3. Ugax gacanta lagu sameeyey. ld geesaasi.

godo [m.dh]
1. Meel ay doqowda talada gooysaa ku shiraan. 2. Godad yaryar oo shinnidu samayso oo ay malabka iyo ugaxda ay ku hoyiso. 3. Daliig yar oo daruur a.

shimbir [m.dh] (-ro, m.l)
1. Qayb ka mid ah lafdhabarleyda, oo ugax dhasha, oo dhiig kulul, baalal leh oo duusha. 2. Shimbir meel dhexaad ah, midab qurxoon oo xasharaadka cuna. ld shinbir.

xiniin [m.dh] (-nyo, m.l)
Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood.

ug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ku u.: wax dab ku qallajin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version