ulakac
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)Samaynta fal kas iyo ogaal loo sameeyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ulakac ↴
ogaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
1. ld ogaal, ogaansho. eeg og.
2. Ulakac; kas, maag. O. buu u yeelay: kas
buu u yeelay. ogaal, ogaansho, ulakac, kas, maag
bareer [m.l]
1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.
bareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.
kamma' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-a'ay, -a'day)
Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. ld kama'².
kas [m.l]
1. Awood maskaxeedka wax lagu kala garto. 2. Ulakac; bareer.
kas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax macnihiisa garasho. 2. U k.: wax ulakac u sameyn.
khushi [m.l]
Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
qasad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. ld qasdi.