wac
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro.
wac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -wici)1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wac ↴
haandawaco [m.dh]
Adaahi. adaahi
saaqid birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.
waayo [m.l.w]
1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.
wacaal [m.dh]
Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.
wacaari [m.dh]
Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
wacad [m.l]
Ballan adag oo la galo.
wacadfur [m.l]
Wacad la dhigtay oo la jabsho.
w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee
alifbada af soomaaliga waana shibbane.).