weydaarsanaan eeg weydaarsanaan. ld weydaarsanaansho.
weydaarsanaansho ld weydaarsanaan.
weydaarsasho eeg weydaarso.
weydaarso Wax, wax kale dhaafsasho.
weyddii 1. Qof si jawaab looga halo su'aal u jeedin; warso. 2. Cid wax ka codsasho.
weyddiin eeg weyddii. ld weyddis.
weyddiis ld weyddiin.
weyddiisad ld weyddiisasho.
weyddiisasho eeg weyddiiso. ld weyddiisad.
weyddiiso Wax loo baahanyahay cid ka baryid.
weydee 1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.
weydeyn eeg weydee.
weydhaami Leexo horay iyo dib u socodsiin.
weydhaamin eeg weydhaami. ld wey-dhaamis.
weydhaamis ld weydhaamin.
weydhaan Warwareegga ay sameeyso leexada.
weydhoomid eeg weydhoon.
weydhoon Dad badan meel isugu soo ururid.
weydnimo Caatonimo; xayeesinnimo.
weydoobid eeg weydow.
weydow Nafley weyd noqosho.
weydsan Nafley weyd ahaansho.
weydsanaan eeg weydsan. ld weydsa-naansho.
weydsanaansho ld weydsanaan.
weyl1 Dhasha lo'da keeda lab. weyl2 1. Burcad. 2. (-lo, m.l) Dhasha lo'da teeda dheddig. weylaalis Hargo badan oo waylo ama ari yaryar laga baxshay oo la isku tolay oo la goglado.
weyladay Geeso horay caaraddoodu u soo jeeddo (lo').
weyn 1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iwm ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.
weynaan eeg weyn. ld weynaansho, weynin.
page : 35 of 40
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >