deylan Neef ido ah wax deyl leh ahaansho.
deylnaan eeg deylan. ld deylnaansho.
deylnaansho ld deylnaan.
deylo Neef ido ah oo dheddig; lax.
deylraac Deyl ilaa caloosha gaarta oo iduhu yeeshaan.
deyman Wax deyn qaba noqosho (qof).
deymbax (1) Qof amaah lagu lahaa iska bixinta. ld deymbixid.
deymbax (2) Deyn lagu lahaa iska gudid (qof).
deymbixid eeg deymbax². ld deymbax¹.
deymbixin Darka deynta laga qaato ee bankiga.
deymi Qof lacag iwm amaahin. ld deyni.
deymin eeg deymi. ld deymis, deynin.
deymis ld deymin.
deymoobid eeg deymow. ld deynoobid.
deymow Wax deyn galay noqosho. ld deynow.
deyn (1) 1. Lacag iwm oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn (2) eeg daa. ld dayn.
deynhilato Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo.
deyni ld deymi.
deynin ld deymin.
deynle Qof, qof kale deyn ku leh. ld deynlow.
deynlow ld deynle.
deynmid eeg deyman.
deynoobid ld deymoobid.
deynow ld deymow.
deynqabe Qof deyn lagu leeyahay.
deynsad ld deynsasho.
deynsasho eeg deynso. ld deynsad.
deynso Lacag iwm cid ka amaahasho.
deyr ld deyd.
<< < 346 347 348 349 350 351 352 353 354 355 356 > >>