Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
hargabid  eeg hargab³.
hargabsan  Wax hargab hayo ahaansho.
hargabsanaan  eeg hargabsan. ld hargabsanaansho.
hargabsanaansho  ld hargabsanaan.
hargag1  ld xargag¹. hargag2  ld xargag². hargagid  ld xargagid.
hargal1  1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. ld hargelid. ld hargalmo, hergel¹, hergalmo. hargal2  1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. ld hergel². hargalmo  ld hargal.
hargaweylaalis  Hargo weylo yaryar oo inta laysku tolay gogol laga dhigto.
hargeli  Xoolo meel hoos leh oo ay qorraxda ka galaan geyn. ld hergeli.
hargelid  eeg hargal². ld hargal¹, hergelid.
hargelin  eeg hargeli. ld hargelis, hergelin, hergelis.
hargelis  ld hargelin.
hari  Wax meel hoos ah gayn.
harid  eeg har². ld haris².
harimayn  eeg harimee.
harimaysasho  eeg harimayso.
harimayso  Qado cunid.
harimee  Qado bixin.
harimo  1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
harin  eeg hari. ld harayn, haris¹.
haris1  ld harin. haris2  ld harid. harjacsan  Wax si u kala laalaada ahaansho.
harjacsanaan  eeg harjacsan. ld harjacsanaansho.
harjacsanaansho  ld harjacsanaan.
harjad1  1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. ld harjadid. harjad2  1. Qof sakaraad hayo rafasho. 2. Qof mintidnimo dheeraad ah muujin.
page : 38 of 93
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>

 

Exit mobile version