Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
fayx  ld feex.
febraayo  Bisha labaad ee sanadka miilaadiga ah.
feddo  Dhul sare oo siman.
feded  Wax cabsi awgeed uga cararid.
fededi  Qof in uu cabsi awgeed wax uga cararo gayeysiin.
fededid  eeg feded.
fededin  eeg fededi.
federaal  ld federaali.
federaali  (siyaa.) Midow dhex mara gobollo madaxbannaan oo mid waliba leedahy sharcigeeda gudaha, laakiin uu ka dhexeeyo dastuur kaliya. ld federaal.
federaalnimo  Federaal ahaansho.
feed  Dhul sare oo fidsan.
feedh  (daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.
feegaar1  1. Far la iska qoro iyadoo aan dan laga lahayn. 2. Farbarasho qof sameeyo. feegaar2  1. Far aan dan laga lahayn qorid. 2. Farbarasho samayn. feegaarid  eeg feegaar².
feejig  ld feeyig.
feejigaan  ld feeyigaan.
feejigaansho  ld feeyigaansho.
feejigan  ld feeyig.
feejignaan  ld feeyignaan.
feejignaansho  ld feeyignaan.
feen  Cadad yaryar oo ku hara laf hilib laga cunay.
feenad  ld feenasho.
feenasho  eeg feeno. ld feenad.
feeni  Laf feen ka dhammayn.
feenin  eeg feeni.
feeno  Laf hilib ku haray ka dhammaysasho.
feer  Dhufashada wax lagu dhufto gacanta oo duuban.
feer1  1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo. feer2  1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iwm shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
page : 41 of 73
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>

 

Exit mobile version