Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: marjiid
alxamdulillaysi ld alxamdulillaysasho.
alxamdulillayso Ilaah u mahadnaqid.
alxame Qof wax alxama.
alxamid eeg alxan². ld alxan¹ (2).
alxan (1) 1. Macdan si sahlan dabku u dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. ld alxamid.
alxan (2) Bir iwm alxan ku kabid.
alxanan (1) ld alxaman¹.
alxanan (2) ld alxaman².
alxanmid eeg alxaman¹.
alxannaan eeg alxaman². ld alxannaansho.
alxannaansho ld alxannaan.
ama Erey kala xiriirfura laba magac ama laba weerood. Tus. “Baasto ama bariis ii keen”, “Ama tag ama joog”. ld amba², amma.
amaa ld armaa.
amaag ld ammaag.
amaagan (1) ld ammaagan.
amaagan (2) ld ammaagan².
amaagid ld ammaagid.
amaagnaan ld ammaagnaan.
amaagnaansho ld ammaagnaan.
amaah Xoolo qof laga qaato oo mar lagu heshiiyay loo soo celiyo.
amaahasho eeg amaaho.
amaahbax (1) Deynbax.
amaahbax (2) Qof amaah lagu lahaa iska bixin.
amaahi Qof amaah siin.
amaahin eeg amaahi. ld amaahis.
amaahis ld amaahin.
amaahiye Cid amaah bixisa.
amaaho Amaah qaadasho.
amaamud (1) 1. Alkun; abuur. 2. A. ah: hanti, aqal iwm oo aan badnayn oo la soo ururiyey. 3. amaamudid.
amaamud (2) Hanti, aqal iwm unkiddeeda bilaabid; alkumid; unkid.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>

 

Exit mobile version