saytoosiin (baay.) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA..
se Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.
seben ld saman.
sebi Ilmo; caruur; cunug.
sebinnimo Sebi ahaansho.
sed Qayb cunto ah oo Ilaah nafley calaf uga dhigo. ld sad¹.
sedbursad ld sedbursasho.
sedbursasho eeg sedburso. ld sed-bursad, sedbursi.
sedbursi ld sedbursasho.
sedburso Wax la wada leeyahay qaybtii aad ku lahyd ka badan qaadasho.
sedo ld sado.
see ld sidee.
seeb1 Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado. seeb2 Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld seebi. seebi ld seeb².
seebid eeg seeb². ld seebin.
seebin ld seebid.
seed1 Sooh adag, cad oo muruqyada madaxooda ku yaal isuna haya muruqyada iyo lafaha. seed2 (c.nafl.) Koox nudo ah oo liilsami kara, kuwaasoo hal ama in ka badan oo lafo ah oo isu tagay, isuna haya kalagoosyo dhaqdhaqaaq. Seeduhu waxay xukumaan dhaqdhaqaaqa lafaha ee kala-goyska, sidaa awgeed waxay muhiim u tahay ka hortagga kala baxa. seeddi Naag la qabo walaalkeed iyo ninkeedu waxa ay isu yihiin.
seeddinnimo Seeddi ahaansho.
seef Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
seef-bacaad (jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
seef-cireed Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef-cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiin daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.
seeflabbood 1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.
seeflabboodnimo Seeflabbood ahaan-sho.
seefle Nooc kalluunka badda ku nool ka mid ah oo u eg faras-badeedka, guudse aan lahayn.
seeg Wax gefid.
seegaan ld jeegaan.
seegeysad ld seegeysasho.
page : 44 of 118
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>