hawlkar H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.
hawlkarnimo Hawlkar ahaansho.
hawlla' Qof aan hawl hayn ahaansho.
hawlla'aan eeg hawlla'. ld hawl-la'aansho.
hawlla'aansho eeg hawlla'ow. ld hawlla'aan.
hawlla'ow Wax aan shaqo lahayn noqosho.
hawllan Qof wax hawl haya ahaansho. ld hawlloon, hawshoon.
hawllanaan eeg hawllan. ld hawlla-naansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.
hawllanaansho ld hawllanaan.
hawllanow Wax hawl ku mashquulsan noqosho.
hawlloon ld hawllan.
hawlloonaan ld hawllanaan.
hawlloonaansho ld hawllanaan.
hawlmaalmeed Shaqo maalin la qabto.
hawlqaad Qof shaqayn awood leh.
hawlwadaag Ishtiraakiya; hantiwadaag.
hawlwadeen 1. Qofka hawsha kala haga ama maamula. 2. Shaqaale.
hawlyar Dhib yar; fudud.
hawlyaraan eeg hawlyar. ld hawlyaraansho, hawlyari.
hawlyaraansho ld hawlyaraan.
hawlyarayn eeg hawlyaree.
hawlyaraysad ld hawlyaraysasho.
hawlyaraysasho eeg hawlyarayso. ld hawlyaraysad, hawlyaraysi.
hawlyaraysi ld hawlyaraysasho.
hawlyarayso 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan.
hawlyaree U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn.
hawlyari Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay. ld hawlyaraan.
hawo 1. Dabayl gabow. 2. Inta cirka iyo dhulka u dhexeysa oo eberka ah. 3. Wax maanka laga jecelyahay. 4. Damac.
hawohankaag1 Waayidda la waayo wax rajo ama han weyn loo lahaa. ld hawohankaagid. hawohankaag2 Wax heliddooda rajo wayn laga lahaa waayid.
page : 45 of 93
<< < 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 > >>