Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
seerasho  eeg seero. ld seeraysasho.
seerayn  ld seerid.
seeraysasho  ld seerasho.
seerayso  ld seero.
seere  1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
seeree  1. ld seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.
seeri  1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
seerid  eeg seer. ld seerayn.
seeriwale  Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. ld siiriwale.
seermaweydo  Xilli roobab xoog badan da'aan oo bartamaha guga ah.
seernaan  eeg seeran. ld seernaansho.
seernaansho  ld seernaan.
seero  Dhul iwm xuduud u samaysasho. ld seerayso.
sees1  1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha. sees2  Weylo si aysan lo'da u nuugin garangar yar oo qodxo ka taagtaaganyihiin gafuurka u gelin. seesar  Saxan yar oo wareegsan yarana godan oo korkiisa bakeerida la saarto, wixii ka soo daatana celiya.
seeseemmane  Nooc ka mid ah kalluunka badda ku jira oo sida badan hoos aada.
seesid  eeg sees².
seetadheerayn  eeg seetadheeree.
seetadheeree  1. U s.: awr dabar u dheerayn. 2. U s.: cid muddo dheer u samrid.
seetayn  eeg seetee.
seetaysad  ld seetaysasho.
seetaysan  Wax la seeteeyey ahaansho.
seetaysasho  eeg seetayso. ld seetay-sad, seetaysi.
seetaysi  ld seetaysasho.
seetaysnaan  eeg seetaysan. ld see-taysnaansho.
seetaysnaansho  ld seetaysnaan.
seetayso  Awr seeto ku xirasho.
seetee  Awr si uusan u fogaan labada addin oo hore xarig uga xirid.
seeto  1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.
page : 46 of 118
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>

 

Exit mobile version