selelin ld salalin.
selelsan Wax seleley ahaansho. ld salalsan.
selelsanaan eeg selelsan. ld salal-sanaan, salalsanaansho, selelsanaansho.
selelsanaansho ld selelsanaan.
selled Weel caw laga falkiyo oo midabyo badan loo yeelo oo suuqyada looga adeegto; dambiil. ld sallad².
sellim ld sallim.
sellimid ld sallimid.
seluloos (baay.) Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.
semen ld saman.
semifaynal Tartan isboorti oo kooxo badani ka qaybgalaan wareeggiisa labaad.
senen ld sanan.
senge Orgi ama faras la dhufaanay oo cayillan. ld sange.
senti Lacag sanuud ah midka ugu qiimo yar; dhururuq. ld santi.
sentiimitir Mitir boqol meelood loo qaybiyey meeshiis. ld shen-tiimitir.
serbi Ul yar oo jilicsan; dhenged.
serenji Ku-xigeenka naakhuudaha markabka ama doonta.
serged ld sargad.
sergedayn ld sargadayn.
sergedaysan ld sar-gadaysan.
sergedaysnaan ld sargadaysnaan.
sergedaysnaansho ld sargadays-naan.
sergedee ld sarga-dee.
seri Dun xasaw ah, oo dharka qaarki ama alaabo kaleba lagu qurxiyo; tel.
seriir ld saliid.
serji Wax fidsan dhinaca uu ku dhammaado; af; qar.
setembar Sanadka masiixiga ah bishiisa sagaalaad.
seylad ld saylad.
seyle Nooc ka mid ah halaqa ciidda u eg, booda oo halis ah; good; cawladile.
seylici 1. Qayb ka mid ah dariiqada qaadiriyada. 2. Nooc ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed oo jiib iyo jaan leh, oo ragga iyo dumarkuba wada cayaaraan.
seytuun 1. Geed la beerto oo miro kulkulucsan oo khudrad ahaan loo cuno dhala. 2. Miraha geedka seytuunku dhalo.
page : 48 of 118
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>