Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kireyn  eeg kiree. ld kireys.
kireys  ld kireyn.
kireysad  ld kireysasho.
kireysasho  eeg kireyso. ld kireysad, kireysi.
kireysi  ld kireysasho.
kireyso  Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm ijaarasho.
kirib  ld kareeb.
kiriiri  1. Geed-gaab, geed-madow ah oo cufan oo leh miro kuuskuusan oo hurdi ah iyo caleen xanaf leh. 2. (-iyo, m.dh) Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima una dheereeya.
kirishboy  Inan yar oo ka shaqeeya baabuurka oo caawiya wadaha.
kirishowmirish  Xayr, calool iyo mindhicir la isku maray oo la karsado.
kirishtaan  (dii.) Nin aaminsan diinta Masiixiga.
kirishtaanad  (dii.) Haweeney aaminsan diinta Masiixiga.
kirishtaannimo  (dii.) Kirishtaan ahaansho.
kirkir1  Raadka ay reebto mindi iwm oo aan af lahayn oo wax lagu gooyay. ld kirkirid. kirkir2  1. (daaw.) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. 2. (daaw.) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka ka galay (guska, dibnaha, iwm) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis). kirkir3  Mindi aan af lahayn wax ku goyn. kirkiran  Wax kirkir leh ahaansho.
kirkirid  eeg kirkir³.
kirkirmid  eeg kirkiran¹.
kirkirnaan  eeg kirkiran. ld kirkir-naansho.
kirkirnaansho  ld kirkirnaan.
kirkirre  Doonfaar; doofaar.
kirli  Weel biyaha iyo shaaha lagu karsho oo siddo fur iyo naas leh; ibriiq; jalmad.
kiro  Hanti laga baxsho wax aan la lahayn oo la manaafacsanayo.
kirtamid  eeg kirtan². ld kirtan¹.
kirtan1  Dhaqdhaqaaqa ay xooluhu sameyaan marka uu jirkoodu taabto waxaysan rabin. ld kirtamid. kirtan2  Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid. kis  In yar; xoogaa; kistoo.
kis1  ld kir. kisi  1. K. ah: tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan (sida: 3, 5, 7, iwm). 2. (-iyo, m.dh) Qof aan meher ku dhalan.
page : 53 of 73
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>

 

Exit mobile version