Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dharabsad
qaylis ld qaylin.
qaylisii Ka q.: cid ka dhawaajin.
qaylisiin eeg qaylisii.
qaylo 1. Dhawaaq dheer oo nafley sameyso. 2. Canaan. 3. Digniin.
qaymbaar Duf xaskusha u eg oo geedka naarjiinta ka baxda oo joodari iwm laga sameysto.
qayme ld qiime.
qaymee ld qiimee.
qaymeyn ld qiimayn.
qaynuun ld qaanuun.
qayoo Roob wax feeray noqosho.
qayood eeg qayoo.
qayr ld qeyr.
qayraami Riddo si xoog leh meel ugu shalwin.
qayraamin eeg qayraami. ld qayraamis.
qayraamis ld qayraamin.
qayraan (1) Dhar harag la jilciyey ka samaysan oo waayihii hore la qaadan jirey.
qayraan (2) Riddo si xoog leh meel loogu tuuro.
qayraansan Wax la qayraamiyey ahaansho.
qayraansanaan eeg qayraansan. ld qayraansanaansho.
qayraansanaansho ld qayraansanaan.
qayrab Orgi yar oo markaa billaabay riyo kudidda.
qayrabnimo Qayrab ahaansho.
qayriin ld ceeriin.
qayro Qoysas fara badan oo meel wada deggan.
qaysadhabad ld qaysadhabadsho.
qaysadhabasho eeg qaysadhabo. ld qaysadhabad.
qaysadhabo Haad baaldhabasho sameyn.
qaysaraamayn eeg qaysaraamee.
qaysaraamee Nafley, ul qaysaraan ah la dhicid.
qaysaraan Baanso.
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>

 

Exit mobile version