Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
cayn1  1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'. cayn2  1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad. cayn3  (nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba. caynaan  Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
caynaani  Cid caymo siin.
caynaanin  eeg caynaani.
caynaano  ld caymo¹.
caynaanshe  Caymiye.
caynab  C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.
caynad  ld cayn².
cayngeri  Tinta saynta geriga oo lagu xirto qaansada qorigeeda, badanaana waxaa isticmaala oo lagu aqoonsadaa hargaantiga.
caynsan  1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
caynsanaan  eeg caynsan. ld caynsanaansho.
caynsanaansho  ld caynsanaan.
caynsane  Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal.
caynsasho  eeg caynso.
caynso  1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.
cayo  ld canyo.
cayololaad  Geed yar oo laamo iyo caleemo biyo ka buuxaan leh oo xooluhu daaqaan, kana baxa birrimada la dego.
cayr  (cayr, m.dh) 1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn.
cayrayn  eeg cayree.
cayree  Qof cayr ka dhigid.
cayriin  ld ceeriin.
cayrnimo  Cayr ahaansho.
cayroobid  eeg cayrow.
cayrow  Qof cayr ah noqosho.
caysh1  ld ceesh¹. caysh2  ld ceesh². cayshid  ld ceeshid.
caytamid  eeg caytan². ld caytan¹.
page : 60 of 95
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>

 

Exit mobile version