dayrsasho eeg dayrso. ld dayrsad, dayrsi.
dayrsi ld dayrsasho.
dayrsimo 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
dayrso Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid.
dayuurad Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.
dayuus Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.
deb ld dab¹.
debac (1) ld debcid.
debac (2) ld debec².
debacsamid ld debecsamid.
debacsan (1) ld debecsan¹.
debacsan (2) ld debecsan².
debacsanaan ld debecsanaan.
debacsanaansho ld debecsanaan.
debacsanow ld debecsanow.
debbir 1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn.
debbiraad Hab khayaano ku jirto oo arrin iwm loo xalliyo.
debbirid eeg debbir.
debci Wax giigsan sida xarig iwm. giigsanaanta ka bi'in. ld dabci².
debcid eeg debec². ld dabac¹, dabcid, debac¹, debec¹.
debcin eeg debci. ld dabcin.
debdemis ld dabdamis.
debec (1) ld debcid.
debec (2) 1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac².
debecla'aan 1. Debciddarro. 2. (fk) Si isdabaraac u ah.
debecsamid eeg debecsan¹. ld dabacsamid, debacsamid.
debecsan (1) Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.
debecsan (2) Xarig, guntin iwm oo giigsanaa wax debcay ahaansho. ld dabacsan², debacsan².
debecsanaan eeg debecsan. ld dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsa- naan, debacsan
debecsanaansho eeg debecsanow. ld debecsanaan.
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>