deddejis ld degdejin.
deddo Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddo.
deddoo Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddoo.
deddoobid eeg deddow. ld daddoobid.
deddood eeg deddoo. ld daddood.
deddow Wax deddo hayso noqosho. ld daddow.
dedeb ld dadab¹.
dedid eeg ded². ld dadid, ded¹ (2).
dedmid eeg dedan². ld dadmid.
dednaan eeg dedan³. ld dadnaan, dadnaansho, dednaansho.
dednaansho ld dednaan.
dee Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
deeb1 1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas. deeb2 D.na: dabadeed, kaddib. deebaaji ld diibaaji.
deebaan 1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2).
deebaani 1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan.
deebad 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
deebi 1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
deebin eeg deebi.
deebsan Wax la deebiyey ahaansho.
deebsanaan eeg deebsan. ld deebsanaansho.
deebsanaansho ld deebsanaan.
deedifee Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
deedifeyn eeg deedifee.
deedifo Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
deef Garabka intiisa kore; qarqar.
deeg1 1. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. ld deegid. deeg2 Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa). deeg3 1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.
page : 67 of 218
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>