qornaansho ld qornaan.
qorniimo ld qorid.
qorniin ld qorid.
qoro 1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iwm qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.
qorofol ld qaranful.
qoronful ld qaranful.
qoroqoro Qalab bir ka samaysan oo baalid ah.
qoroqoronimo Wax qoroqoro ah ahaansho (qalab bir ah).
qoroqoroobid eeg qoroqorow.
qoroqorow Qalab bir ah qoroqoro noqosho.
qorqode Q. ah: nin afadiisa si fool xun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose, cunnada iyo masruufka.
qorqoran Qof qurxan oo aan hilib badan lahayn ahaansho.
qorqornaan eeg qorqoran. ld qorqornaansho.
qorqornaansho ld qorqornaan.
qorraaje Maroodi lab.
qorrato Jaad la bah ah goodaaddada ama qallajista oo ku nool guryaha iyo geedaha.
qorrax Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
qorrax-soobax Waqtiga ay qorraxdu dhulka u soo baxdo.
qorraxayn eeg qorraxee. ld orraxayn.
qorraxaysad ld qorraxaysasho.
qorraxaysan Wax qorrax la dhigay ahaansho.
qorraxaysasho eeg qorraxayso. ld qorraxaysad, qorraxaysi.
qorraxaysi ld qorraxaysasho.
qorraxaysnaan eeg qorraxaysan. ld orraxaysnaan, orraxaysnaansho, qorraxaysnaansho.
qorraxaysnaansho ld qorraxaysnaan.
qorraxayso 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid.
qorraxdhac 1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.
qorraxdheere Xilli jiilaal oo aad u kulul oo aan roob Jirin.
qorraxee Wax qorrax u dhigid.
qorraxmadoobaad Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
page : 70 of 86
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 > >>