Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
hagarbixid eeg hagarbax². ld hagarbax¹ (2).
hagardaamayn eeg hagardaamee.
hagardaamee Cid hagardaamo ku samayn.
hagardaamo Dhibaato cid aan ka digtoonayn lagu sameeyo. ld hagardaanyo.
hagardaanyo ld hagardaamo.
haghag (1) Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. ld haghago.
haghag (2) ld haghaglee.
haghagid ld haghaglayn.
haghagle Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
haghaglee Shigshigid. ld haghag².
haghagleyn eeg haghagaglee. ld haghagid.
haghago ld haghag¹.
hagid eeg hag. ld hagis.
hagis ld hagid.
hagnaan eeg hagan. ld hagnaansho.
hagnaansho ld hagnaan.
hagoog (1) 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoog (2) 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid.
hagoogad ld hagoogasho.
hagoogan Wax hagoog leh ahaansho.
hagoogasho eeg hagoogo. ld hagoogad.
hagoogid eeg hagoog².
hagoognaan eeg hagoogan. ld hagoognaansho.
hagoognaansho ld hagoognaan.
hagoogo 1. Maro qaarka sare oo aan indhuhu ku jirin ku daboolasho. 2. Haweenay ganbo madaxa saarasho.
hagooji Wax hagoog u yeelid.
hagoojin eeg hagooji. ld hagoojis.
hagoojis ld hagoojin.
hagrad ld hagrasho.
hagrasho eeg hagro. ld hagrad.
<< < 688 689 690 691 692 693 694 695 696 697 698 > >>

 

Exit mobile version