haliil Ku h.: wax si xad dhaaf ah ugu degdegid (sida wax heliddood ama qof wax gaarsiintii).
haliilid eeg haliil.
halis 1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
halisnimo Halis ahaansho.
haljaflaysad ld haljalaflaysasho.
haljaflaysasho ld haljalaflaysasho.
haljaflaysi ld haljalaflaysasho.
haljaflayso ld haljalaflayso.
haljafle ld haljalafle.
haljalaflaysasho eeg haljalaflayso. ld haljaflaysad, haljaflaysasho, haljaflaysi, haljala
haljalaflaysi ld haljalaflaysasho.
haljalaflayso Neef waddo ku socda siiba geela geedaha jidka dhinacyadiisa ku yaal hadba laan ka goosasho. ld haljaflayso.
haljalafle Goosashada neef waddo ku socda siiba geela, uu geedaha jidka-dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto. ld haljafle.
halka goobta, meesha.
halkable 1. Qof aan gabay fiican aqoon oo hadba hal soo rida. 2. Gabarey-maanyo.
halkan goobtan, meeshan.
halked Nooc libaax-badeedka ka mid ah.
halkudheg 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
hallaabid eeg hallow².
halladaadi Wax baylahin.
halladaadin eeg halladaadi.
halladaado Isku ladidda wax qabashadooda la isku lado; baylax, dacdarro.
hallagaasheego Istus tookh; faan.
hallahalla ld halhaleel.
hallayn eeg hallee. ld hallays.
hallays ld hallayn.
hallaysan Wax la halleeyey ahaansho.
hallaysnaan eeg hallaysan. ld hallaysnaansho.
hallaysnaansho ld hallaysnaan.
hallee 1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.
<< < 695 696 697 698 699 700 701 702 703 704 705 > >>