Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: codlaawe
ibajitoobid eeg ibajitow
ibajitow Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.
ibalaroor Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor.
iballaroor ld ibalaroor.
ibamar (1) Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo.
ibamar (2) Hal irmaan afarta naas ka marid. ld ibamaryee.
ibamarad ld ibamarasho.
ibamaran Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). ld ibamaryeysan.
ibamarasho eeg ibamaro. ld ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryey-sasho, ibamaryeys
ibamarid eeg ibamar². ld ibamar-yeyn.
ibamarnaan eeg ibamaran. ld ibamarnaansho, ibamayeysnaan, iba-maryeysnaansho.
ibamarnaansho ld ibamarnaan.
ibamaro Hal irmaan afarta naas ka marasho. ld ibamaryeyso.
ibamaryee ld ibamar².
ibamaryeyn ld ibamarid.
ibamaryeysad ld ibamarasho.
ibamaryeysan ld ibamaran.
ibamaryeysasho ld ibamarasho.
ibamaryeysi ld ibamarasho.
ibamaryeysnaan ld ibamarnaan.
ibamaryeysnaansho ld ibamarnaan.
ibamaryeyso ld ibamaro.
ibamaryo ld ibamar¹.
ibarmid ld ibamarid.
ibayar Hal naasa yaryar.
ibayaro Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato
ibdar 1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
ibi (c.nafl.) Mandheerta haweenka. ld ebi¹.
ibidimooloji (daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.
ibitiiliyam (baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
<< < 767 768 769 770 771 772 773 774 775 776 777 > >>

 

Exit mobile version